Monday, June 9, 2025
HomeAll NewsYahuudda oo sii Deysay Maxaabiis Filastiiniyiin ah oo ay Muddo Bilooyin ah...

Yahuudda oo sii Deysay Maxaabiis Filastiiniyiin ah oo ay Muddo Bilooyin ah Tacdiibinayeen.

Shalay oo Axad ahayd, maamulka Yahuudda ayaa sii daayay 12 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo xabsiyada kayyaanka Yahuudda ku jiray tan iyo 7-dii Oktoobar sanadkii 2023-ka, kolkaas oo uu bilawday dagaalka xasuuqa ah ee ay Yahuuddu ka waddo marinka Qazza.

Xafiis u gaar ah maxaabiista oo taabacsan muqaawamada Falastiin ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in Yahuudda ay sii daysay 12 maxbuus oo kasoo jeeda Marinka Qazza, waxaana maxaabiistan loo gudbiyay Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Deyrul-Balax ee bartamaha marinka Qazza.

Guddi ka socday hay’adda saliibka guduudan ee loo yaqaana Laanqeyrta Bisha Cas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, inay fududeyeen sii deynta maxaabiistaas, kuwaas oo laga soo wareejiyay isgoyska Kiisuufiim ee ku yaalla dhulka ay Yahuuddu gumaysto ee ku xeeran marinka Qazza.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa warbaahinta u sheegay, in maxaabiista la sii daayay ay muddo bilo ah ku jireen xabsiyada Yahuudda, ayna muddadaasi gumaystaha kala kulmeen tacdiibin aad u daran oo ay ugu horaysa gaajaysiinta, jirdilka, iyo dayac dhanka caafimaadka ah.

Arimahaan ayaa imaanaya, iyadoo gumaystaha Yahuuddu uu marinka Qazza ka wado gabod-fallo uurtaabad leh, oo ay kamid yihiin duqeymaha dhanka cirka ah, madaafiicda goobta, barakicinta dadka shacabka ah iyo go’doominta adag ee uu ku hayo marinka Qazza, isagoo ka hortagaya wax walba oo soo gali lahaa xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

Duqeymahan xariirka ah ee uu kayyaanka Yahuuddu ka wado marinka Qazza ayaa waxaa ku shahiiday 44 qof oo rayid ah tan iyo waaberigii Axadii, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza.

Geesta kale, dagaalyahanada muqaawamada Falastiin ayaa dhankooda maalmihii lasoo dhaafay weerarro dhiigbixin ah ku qaadayay Ciidamada Yahuudda ee duulaanka kusoo galay marinka Qazza, iyadoo gumaystaha uu qirtay, in tiro kamid ah askartiisa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalaas.

Sidoo kale, garabka milatari ee muqaawamada Falastiin ayaa fiidnimadii xalay baahiyay muuqaal muujinaya dagaalyahanadooda oo madfac qoriga Yaasiin 105 la beegsanaya cagaf-cagaf militari oo ay leeyihiin ciidamada Yahuudda, taas oo hawlo burburin ah ka waday xaafadda Al-Manarah ee Koonfurta magaalada Khaan Yuunis ee marinka Qazza, madfaca ayaana si toos ah u haleelay cagaf-cagafta, iyadoo gabi ahaanteedaba ay basbeeshay, sida lagu daawan karo muuqaalkan oo ay muqaawamada soo dheegeen bartooda Telegaraamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.