Iyada oo 30 sano laga joogo xasuuqii Serbaniika oo lagu laayay in ka badan 8 Kun oo Muslimiin Bosniyaan ah, ayaa hada waxaa mar kale soo ifbaxaysa walaac weyn oo caalami ah oo ku saabsan xasilloonida dalka Bosniya iyo Hersak, kaas oo ah waddan yar oo qowmiyad ahaan kala qaybsan, islamarkaana weli la daalaa-dhacaya saamaynta heshiiskii Dayton ee dagaalka lagu joojiyay balse aan soo afjarin kala-qaybsanaanta dalkaas.
Warbixin uu daabacday wargeyska Finanshiyaal Taymis ayaa lagu sheegay, in Milorad Duudik, oo ah hoggaamiyaha Seerbiyiinta Boosniya, uu maanta yahay halista ugu weyn ee midnimada dalka, maadaama uu si cad uga shaqeynayo burburinta hay’adaha dowladeed ee dhexe, isagoo taageero ka helaya xukumada Moskow, taas oo u aragta inuu ka mid yahay garab muhiim ah oo taageera danaha Ruushka oo dhaca qaarada Yurub.
Warbixinta ayaa sheegtay, in heshiiskii Dayton ee lagu joojiyay dagaalkii sokeeye ee dhacay sanadihii 1992dii illaa 1995-tii uu dhisay nidaam dowladeed oo adag oo ka kooban laba qaybood: nidaam Federaal ah oo ay hoggaamiyaan Muslimiinta iyo dadka Karawaatka ah, iyo Jamhuuriyadda Seerbiyinta ee Bosniya, balse nidaamkan – inkasta oo uu dagaalka joojiyay – hadana wuxuu ka tegay saamayn qoto dheer oo saamaysay dadka ku dhaqan dalkaas.
Wargayskan ayaa sidoo kale xustay in Milorad Duudik, oo hore loogu aqoon jiray siyaasi dhexdhexaad ah, uu si tartiib tartiib ah u noqday hogaamiye xagjir ah, kaas oo ku hanjabaya inuu qabto afti ka dhacda maamulkiisa Seerbiyiinta, si uu u dhiso waddo uu si rasmi ah uga go’o dalka Bosniya iyo Hersak.
Ninkan ayaa sicad u diiday awoodda maxkamadda dastuuriga ah iyo wakiilka caalamiga ah, isaga oo si joogto ah ugu dhaqaaqa kor meer adag oo ay ku waardiyaynayaan rag hubeysan, taas oo loo arko digniin muujinaysa khatar ku soo fool leh isku dhaca dawladda dhexe ee Boosniya iyo Hersak.
Dhinaca kale, warbixintu waxay tilmaantay in Midowga Yurub uusan ka bixin jawaab mideysan oo lagaga hortago khatarta Duudik, iyada oo dalka Hangari uu carqaladeeyay dadaallada mideysan ee ka socda dalkaas, inkasta oo wadamo sida Boqortooyada Ingiriiska ay saareen cunaqabatayn gaar ah.
Duudik iyo hoggaamiyeyaal kale ayaa u adeegsanaya xuska xasuuqii Serbiyiinta sidii aalad ay ku faafiyaan hadallo khilaafsan xaqiiqda, iyaga oo sheegaya in shacabka Seerbiya ee uu isagu hogaamiyo ay yihiin dhibbanayaasha dhabta ah ee taariikhda casriga.
Maasah Saliihofiij, oo ah haweeney ka shaqeysa Xarunta kaydka xasuusaha gaboodfalii laguka kacay dadka Seerbiyiinta kana mid ahayd dadkii ku waayey eheladeeda, ayaa walaac ka muujisay kororka hadallada xagjirka ah iyo sida siyaasiyiintu uga faa’iideysanayaan musiibooyinkii hore si ay u abuuraan xiisado cusub.
Magaalada Baniya Luuka oo ah caasimadda maamul-goboleedka ay xukumaan kooxaha Serbiya ayaa si muuqata ugu suntan hadallada iyo aragtiyada Ruushka, iyada oo sidoo kale magaaladaas laga helayo maqaayad loogu magacdaray “Butin” oo ay ka muuqdaan sawirrada madaxweynaha Ruushka Faladamiir Butin, waxayna aragtidan xoojinaysaa xiriirka ka dhaxeeya Duudik iyo xukumada Ruushka.
Maladin Iifanitshi, oo ah nin caan ka ah gudaha mucaaradka Serbiyiinta ee Bosniya iyo Hersek, ayaa sheegay, in rajada ugu wanaagsan ee waddanku ay tahay hindisaha Faransiisku taageeraya ee ah xubin ka noqoshada Midowga Yurub ee laba-geesoodka ah, kaas oo u oggolaanaya waddamada Balqaanka inay si tartiib tartiib ah ugu biiraan qaar ka mid ah waajibaadka Midowga Yurub.
Laakiinse waxa uu yiri isagoo hadalkiisa sii wata, ” Reer Yurub been ayay noo sheegayaan, waxay nagu wargaliyeen, in albaabku furan yahay, laakiinse runtu waxay tahay in taasi aysan suura-gal ahayn mustaqbalka dhow.”
Haweenay lagau magacaabo Najma, oo ah borofasoorad cilmiga siyaasadda ka dhigta Jaamacadda Saraayiifu ee dalka Bosniya iyo Hersek, ayaa sheegtay, in wadciga hadda taagan u qarka u saaran yahay, kala qaybinta Bosniya iyo Hersek.
Qaar ka mid ah saraakiisha Yurub ayaa rajeynaya, in hogaamiyaal ka dhexdhexaadsan Duudik ay talada qabtaan, laakiinse hoggaamiyeyaasha qowmiyadda Karawaat ee Bosniya ayaa iyagana dalbanaya madax-bannaani, halka Heshiiska Daytoon uu noqday mid aad u jilicsan, sida lagu sheegay warbixintan.
Jiilkii dhashay dagaalka kadib ee ku nool caasimadda Bosniya iyo Hersek ee Saraayiifu, ayaa ka xumaaday curyaaminta siyaasadeed ee dawladda iyo musuqmaasuqa baahsan ee dalka ka jira, sida warbixintan lagu xusay wargeyska Finanshiyaal Taymis.
Sidoo kale, haweenay ah isku-duwaha urur-ka ka hortagga musuqmaasuqa ee dalkaas, ayaa wargeyska u sheegtay, in musuqmaasuqu uu si weyn ugu dhex milmay bulshada oo uu noqday qayb ka mid ah dhaqanka guud, waxayna tilmaamtay, in la’aanta cadaaladda ay xaaladda uga sii dari karto.
Haweenaydaan reer Bosniya ayaa intaasi ku dartay, in shaksiyaad badan ay siyaasadda u galaan dano gaar ah, iyaga oo wiiqaya dadaallada dib u habaynta.
Sidoo kale, aqoonyahan kasoo jeeda qowmiyadda Karawaatka oo lagu magacaabo Fiiraanyo Tuubitshi, ayaa aaminsan, in xalku ku jiro in la soo afjaro kayyaanaadka kala duwan ee ka jira Bosniya iyo Hersek, lana yagleelo dawlad dhexe oo kaiya.
Waxa uu tilmaamay, in kayyaanaadkan iyo ururradan markii hore loo arkay xal, si loo joojiya dagaalkii Bosniya, Laakiinse hadda ay ka hortaagan yihiin dowladda inay shaqeyso, isagoo carrabaabay, in dalka uu u baahan yahay heshiiskii Daytoon oo cusub.
Ugu danbayntii, Kumannaan dhallinyaro ah ayaa isaga tagay dalka Bosniya iyo Hersek sababo la xiriira musuq-maasuqa oo gaaray heer aan horay loo arkin, iyadoo rajada laga qabo xasilloonida ay u muuqata mid fog haddii aan tallaabo la qaadin ka hor inta aysan faraha ka bixin xaaladda dalkaas.
Halkaan ka Degso Warbixinta Xasuuqii Muslimiinta Boosniya