Saturday, July 5, 2025
HomeAll News40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Duleedka...

40 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Duleedka Moqokori.

Daagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay maanta ka dhaceen duleedka magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Dagaallada ayaa waxaa in ka badan 4 jeer lagu jabuyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaan lagu dilay 15 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo 12 kamid meydadkooda looga cararay goobta dagaalka, halka 3 kalana ay horay usii jiiteen.

Waxaa intaa dheer oo dagaalladaan lagu dhaawacay 20 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.

Saraakiisha iyo askarta lagu dilay dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan waxaa kamid ah:

1-Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle.
2-Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir)
3-Xasan Abiikar Aadan.
4-Xasan Taakaay oo ah sarkaal.
5-Cabdullaahi Muumin Dhaladheere.
6-Axmed Muumin Cilmi Iidow.

Waxaa iminka dagan goobihii lagu dagaallamay oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka askarta Dowladda Fedaraalka iyagoo jabay ay galeen gudaha magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.