Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado gumaadka uu kala kacayo ehelkeena reer Qazza, iyadoo lasoo warinayo, in dad hor leh ay shuhada iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha ay diyaaraha Yahuudda ka fulinayaan waqooyiga, bartamaha illaa iyo koonfurta Marinka Qazza.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaana warbaahinta la wadaagay, in illaa 50 qof oo shacab ah ay saacadihii lasoo dhaafay ku shahiideen duqeymaha joogtada ah ee ay gumaystaha Yahuudda ka wadeen deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, iyadoo intaasi ay dheertahy dadka faraha badan ee ku dhaawacmay duqeymahaas iyo kuwa ku hoos jira burbur dhismayaasha la beegsaday.
Waabirigii hore ee saaka oo kaliya, 13 qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday duqeymo cirka ah oo ay Yahuudda ka geysatay deegaano ka tirsan Marinka Qazza, sida ay soo tabiyeen wariyaal ku sugan halkaas.
Sidoo kale, lix ruux oo ay ku jireen qof dumar ah iyo afar caruur ah ayaa ku shahiiday subaxnimadii hore ee maanta weerar cirka ah oo ay Sahaayinada ku qaaday guri ku yaalla xaafadda Sheekh Ridwaan ee waqooyiga magaalada Qazza.
Dhanka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza waxaa lasoo sheegayaa, in Labo qof oo shacab ah ay ku shahiideen Duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda subaxnimadii hore ee saaka la beegsadeen guri ku yaalla deegaanka Qiizaan An-Najjaar ee magaaladaasi.
Halka dad goobjoogayaal ah ay kusoo warameen, in nin oday ah iyo xaaskiisa ay ku shahiideen duqeyn kale oo ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen gurigooda oo ku yaalla isla deegaanka Qiizaan An-Najjaar.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dhowr qof ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ku qaadeen guri ku yaalla xerada Khaan Yunis ee koonfurta marinka Qazza.
Arimahaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo ciidamada Yahuudda ay qirteen in ay bartilmaameedsadeen iskuulka Yaafa, oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kuna yaalla xaafadda Attufaax, ee waqooyi bari ee magaalada Qazza, iyaga oo ku marmarsiyoonaya inay ku jireen dad hubaysan, taas oo ah orah ay mar walba gumaystaha ku been hawaasaan marka ay xasuuqaan dad shacabka ah.
Iskuulkaas ayaana waxaa shuhado iyo dhaawac ku noqday dad farabadan, iyadoo duqemahaas ay sababeen in uu dab ka kaco fasallada Iskuulka, halka inta badan qoysaskii ka barakacay halkaasi ay hoy la’aan yihiin.