Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMuxuu Salka Kuhayaa Dagaalka u Dhaxeeya Kooxda M-23 iyo Dowladda Kongo?

Muxuu Salka Kuhayaa Dagaalka u Dhaxeeya Kooxda M-23 iyo Dowladda Kongo?

Xiriirka u dhexeeya Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo  ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid aad u kacsan, kaddib markii ay sii korortay colaadda ka aloosan bariga Kongo, oo ay inta badan wadaan dhaqdhaqaaqa falaagada M-23, kaddib markii ay horay ula wareegeen goobaha istiraatiiji ah ee ay kamid tahay magaalada Goma ee xarunta gobolka Waqooyi ee Kivu, taas oo sababtay barakaca kumanaan qof oo rayid ah.

Burburkii ku yimid dadaalladii dhex dhexaadinta ahaa ee ay hormuudka ka ahayd dawladda Angola, kuwaas oo u dhaxeeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo dalka Rwanda ee dhacay bartamihii bishii Disembar 2024-kii, ayaa ahaa calaamad khatar ah oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya labada waddan ee sii xumaanaya.

Burburka wadahadaladan ayaa waxaa xigay dardar galinta dagaalada u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo maleeshiyaadka M-23, kuwaas oo isku balaariyay deegaanada ay ka taliyaan ee waqooyiga Kivu, taas oo keentay inay ugu dambayn qabsadaan magaalada Goma ee caasimadda gobolkaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa kadigay khatarta dagaal sokooye oo ka dhex qarxa gobalka.

Arrimahan ayaa ah kuwo sii kordhinaya colaadaha soo noqnoqday tobanaankii sano ee u dambeeyay, kuwaas oo soo food saaray bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, iyadoo lagu qiyaasay tirada dhibanayaasha dagaaladani ay saameeyeen ku dhawaad ​​6 milyan qof.

Bariga Kongo waxaa ku sugan illaa 100-kooxood oo hubeysan, kuwaasoo ay ugu caansan yihiin dhaq-dhaqaaqa M-23, iyagoo ku andacoonaya in Kongo aysan gudan waajibaadkii ka saarnaa heshiis nabadeed oo ay dhexdhigto dadka kunool dalkaas, waxaana la soo gabagabeeyey sanadkii 2009-kii oo ay ku soo afjarmeen kaddib markii  ay ku biireen ciidamada xoogga dalka.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.