Daahir Amiin Jeesow, oo ah xillibaan katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay iney adagtahay in la aas-aaso wax malleeshiyaad beeleedyo ah, oo fuliyaha danaha Dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in kuwii hore la dayacay, loona diiday in wax mushaar ah la siiyo, sidaasi darteed aaney xilligan sahal ahayn in la aas-aaso kuwa cusub.
Wuxuu tilmaamay dhanka kale in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay fadhiiso albaabada hore ee magaalada Muqdisho, wax micno ahna aanay lahayn in ciidan ka baxay Muqdisho ay tagaan Gaalkacyo.