Aabe kunool magaalada Muqdisho, oo ay waiilkiisa gubeen ciyaal weero, ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka uga baxay ballan ahayd in wiilkiisa ay u daaweeyaan.
Wuxuu aabahan maalin weliba taaganyahay wadooyinka soo gala xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, isagoo dalbanaya in ballankii loo qaaday loo fuliyo.
Inta badan madaxda Dowladda Federaalka ayaa isku sawira dadka dhibaateysan, iyagoo afka baarkii ka sheega iney wax u qabanayaan, laakiin marka sawirka uu dhamaado ayay ka daneystaan, iyagoo uga baxa ballamihii ay horey ugu qaadeen.