Dr Mukhtaar oo kamid ah siyaasiyiinta Dowladda Federaalka ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in dagaalka uu Cali Jeyte abaabulayo aanu ahayn mid waxtar leh, islamarkaana xilligan aan dagaalkaasi loo heynin wax niyad ah.
Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in Xasan Sheekh Maxmuud iyo Cali Jeyte ay doonayaan iney dadka Soomaaliyeed ku gumaadaan dagaal aan kooda ahayn, oo taageero looga doonayo dowladaha caalamka.