Ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Islaamabaad ayaa iyagoo socod ku jira habeenkii Sabtida ee lasoo dhaafay waxaa wadada ugalay, koox hubeysan, waxayna rasaas ku furay.
Goobta dagaalku dhacay ayaa ku taalla gobolka Baluushistaan ee dhaca Koonfur Galbed wadankaasi, waxaana askarta Bakistaan halkaasi lagu gaarsiiyay khasaare culus oo dhimasho ah.
Ugu yaraan 18 askari ayey dowladda bakistaan qiratay in laga dilay, hase ahaatee macadda illaa iyo hadda, cid si dhab ah usheegtay howlgalkan, marka laga soo tago wararka warbaahinti hadal hayso ee la isla dhexmarayo.
In kastoo kooxo dhowr ah oo hubeysan gobolkaasi ku sugan yihiin, hadane Mujaahidiinta Xarakada Daalibaan Bakistaan ayaa si firfircoon uga howlgasha gudaha dalkaasi, waxayna marar badan askarta xukuumadda la beegsatay weeraro laayaan ah.