M-23 oo ah fallaago dagaal kula jirta dowladda Koongo ayaa dagaallo xooggan kadib si buuxda ula wareegtay, magaalada Goma ee dhacda Bariga dalkaas, waxayna wali waddaa dhaqdhaqaaqyo hor leh oo ay isku fidineyso.
Dagaallada udhaxeeya xukuumadda Koongo iyo fallaagadan ee haatan socda ayaa soo billowday Axaddii lasoo dhaafay, waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in lagu dilay 700 oo qof 2,800 kalena lagu dhaawacay dagaallo Axaddii illaa Khamiistii ka dhacay Bariga Kongo sida ay hadalka udhigtay.
Macadda haddii tiro koobkani yahay mid sax ah iyo in kale, waxaasa la ogyahay in dagaallo aan waxba la iskula harin ay halkaasi ku dhexmareen labada garab ee dirirtu ka dhaxeyso.
Dhanka kale waxay wararku sheegayaan, in kooxda M-23 ay dagaallada kula wareegtay hub casri ah, diyaarado nooca qumaatiga ukaca ah iyo kuwo kale, waxayna arrintaasi keeni kartaa iney helaan awood dheeraad ah oo ay dagaalka kusii wadaan.