Maalintii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay waxaa dalka Yaman gaar ahaan degmada Nihm ee ka katirsan magaalada Sancaa’ ka dhacay, dhacdo aragagax leh oo ay nafteeda ku waysay, haweeney lagu magacaabo Caa’isho Naaji oo udhalatay dalka Yaman.
Dhacdadan ayaa ahayd miino la kacday xilli ay argi ku ilaalineysay buur udhow tuulada Musawarah ee hoostagta degmada Nihm, waxaana gaartay waxyeello daran taasoo sababtay iney nafeeda ku wayso.
Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa lasoo billaabo 2015-kii markii ay la wareegeen caasimadda dalka Yaman illaa 2020-kii waxay degmadan ku aaseen miinooyin tiro beel ah, kuwaasoo dad badan iney naftooda waayaan sabab unoqday.
Wuxuu tiro koob la sameeyay tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay illaa 2024-kii dhmaadkeedi sheegayaa, in 113 dad ku dhow qaar naftooda ku waayeen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, qeybtii dhaawacantay qaar kamid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaana ku naafoobay dhaawacii soo gaaray.