Shacbka kunool magaalada Kismaayo ayaa sheegay, in xanibaadda xaga duulimaadyada diyaaradaha ee ay Dowladda Federaalka kusoo rogtay deegaannada uu ka arimiyo maamulka labaxay Jubbaland, aysan saameyn ku yeelan masuuliyiinta maamulkaas, oo uu Axmed Madoobe meeshu rabo u duuli karo, dadka dhibaateysanna ay yihiin shacabka.
Waxay ku baaqeen inaan lagu amar taagleyn dadka maatida ah, sidaasi darteedna ay Dowladda Federaalka ka laabato go’aanka xayiraadda duulimaadyada ee saaran deegaannada uu ka arimiyo maamulka labaxay Jubbaland.