Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaGaroomo ku yaalla Ruushka oo Laga Joojiyay Duulimaadyadii Sababo la Xiriira Weerar...

Garoomo ku yaalla Ruushka oo Laga Joojiyay Duulimaadyadii Sababo la Xiriira Weerar ay Ukraine Xalay ku Qaadday Dalkaas.

Xukuumadda Kyiv ayaa habeenkii xalay weerar loo adeegsaday diyaarado Drones ah waxay ku qaadday, maagaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha wadanka Ruushka.

Magaalooyinka la weeraray waxaa kamid ah Ustiraakhaan, oo ku yaalla Koonfurta wadanka Ruushka.

Hawada sare ee magaaladan iyo magaalooyinka kale ee ay weeraradan ka dhaceen, ayaa waxaa is qabsaday uuro madoow, taasoo keentay in la hakiyo duulimyaadyadii ka bixijiray garoomada ku yaalla magaalooyinka la beegsaday.

Gudoomiyaha magaalada Ustiraakhaan ugu magacaaban xukuumadda Mooskoow wuxuu sheegay, in Ukraine ay isku dayday iney beegsato goobaha laga soo saaro shidaal iyo korontada magaalada, hase ahaatee ay soo  rideen diyaaradihii lagu soo weeraray taasoo uu sheegay iney keentay gubashadan, sida uu hadalkiisa udhigay.

Muuqaallo dhowr ah oo ka imaanaya gudaha Ruushka, ayaa diyaaradaha oo goobo dhowr ah ku dhacayan islamarkaana holac ka baxayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.