Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaDibadbaxyo Ka Dhan ah TarxiilkaTrump oo ka Dhacay Mareykanka.

Dibadbaxyo Ka Dhan ah TarxiilkaTrump oo ka Dhacay Mareykanka.

Dalka Mareykanka magaalooyin dhowr ah oo kamid ah waxaa ka socda dibadbaxyo waa wayn oo ay ku kulmeen kumanaan qof, kuwaasoo looga soo horjeedo tallaabada uu qaaday madaxweynaha Mareykanka Trump oo ah in la tarxiilo dadka sida ogolaanshiyo la’aanta ah kusoo galay wadankaasi.

Banaabaxyadan oo dhacay maalmihii Sabtida iyo Axadda ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa kamid ah meelaha ay ka dhaceen, magaalada Los Angeles ee dhawaan dabku gubay qeybo badan oo kamid ah, Riverside, San Diego, iyo magaalada Dallas oo katirsan gobolka Texas.

Texas banaanbaxa ka dhacay waxaa si gaar ah looga soo horjeeday howlgallo raaf ah oo ay ciidamada Mareykanku ku qab qabteen dadka wadankaasi laga soo tarxiilayo.

Waxay mudaaharaadayaashu wataan boorar ay ku qoran yihiin  halku dhigyo ka dhan ah sidaasadda Trump, mana muuqdaan wax isbedel ah oo ay illaa iyo haatan ku keeneen dibadbaxyadan, go’aanka uu qaatay madaxweynaha Mareykanka ee dhawaan talada la wareegay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.