Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaMaxay Yihiin Tallaabooyinka uu Trump Rabo inuu Qaado si uu Usoo Afjaro...

Maxay Yihiin Tallaabooyinka uu Trump Rabo inuu Qaado si uu Usoo Afjaro Dagaalka Ukarine iyo Ruushka.?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa walaac iyo cabsi ku abuuray dalalka qaarada Yurub oo uu madaxdooda usoo jeediyay, in loo baahan yahay soo afjarida dagaalka u dhaxeeya Yukrayn iyo Ruushka, isagoo dhanka kale Ruushkana ugu baaqay inuu yimaado miiska wadahadalada.

Trump ayaa ku celceliyay marar badan in uu khilaafka Ruushka iyo Yukrayn ku xalin doono 24 saacadood gudahood, In kasta oo ay taasi ahayd buunbuunin awooddeed oo uu Trump ku raadinayay inuu ku helo sumcad, hadana  aqoonyahanno badan iyo falanqeeyayaasha qaar ayaa dhab ahaantii filayaa in Trump uu awood u leeyahay in uu fuliyo ballanqaadkaas.

 Inta aynu uguda galin qorshayaasha la filayo in lagu soo afjaro dagaalka, waxaa muhiim ah in wax laga ogaado yoolalka ay dhinacyada dagaalamaya kala tiigsanayaan,  si loo ogaado xalalka lagu gaari karo qaar ka mid ah shuruudaha qolo kasta ay doonayso in loo fuliyo.

Dhinacyada sida tooska ah ugu lugta leh iskahorimaad yadan  waxaa kamid ah,    Yukrayn, Ruushka, Maraykanka, NATO, iyo Midowga Yurub. Dagaalkan shan geesoodka ah ayaa kulminaya danaha dhinacyadan aan soo sheegnay, taas oo ay adagtahay in lagu heshiiyo.

Daraasad ay samaysay dublamaasiyad u dhalatay dalka Maraykan ah oo lagu magacaabo Rose Gottemoeller, horayna u ahaan jirtay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee NATO, ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in Trump aanu ku qasbin dadka reer Yukrayn inay gabi ahaanba isa soo dhiibaan, maadaama ay taasi khasaare ku noqon doonto Trump laftiisa.

Halkan hoose ka dhegeyso warbixinta oo dhameestirsan.

Halkan ka Degso Warbixinta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.