Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsIlhaan Cumar oo Weerar Afka ah ku Qaaday Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo Weerar Afka ah ku Qaaday Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka.

Haweeney katirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa Donald Trump ku eedeysay inuu yahay kaligii talis.

Ilhaan Cumar oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay waxa ay eedeymo u jeedisay Donald Trump oo ah madaxweynaha cusub ee dib loogu doortay hogaaminta dadka Ameerikaanka ah.

Ilhaan ayaa waxa ay Trump ku eedeeyay inuu hayo wadada kaligii talisnimada uusanna dooneyn in uu dadka wax la wadaago, arrintaas oo ay ku tilmaamay mid halis galineysa dalka Mareykanka.

Maalintii ugu horreysay ee xil heyntiisa ayay tilmaamay inuu Trump ku kacay khalad ka dhan ah dastuurka u degsan Mareykanka, uuna sameynayo falal ay nusinimo ku dheehan tahay.

Ilhaan Cumar iyo Donald Trump ayaa waxaa horay uga dhaxeeyay weerar xagga afka ah oo ay isku hayeen, waxaana mudo xileedkii hore ee Trump ay labadaan dhinac isla soo maareen xaalado adag iyagoo marar badan dhaleeceen hawada isku mariyay.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.