Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsWakiilka Maamulka Itoobiya ee Jigjiga oo Dhibaatooyin ku Haya Shacabka. .

Wakiilka Maamulka Itoobiya ee Jigjiga oo Dhibaatooyin ku Haya Shacabka. [Dhagayso].

Gudoomiyaha magaalada Jigjiga ugu magacaaban maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa xad-gudubyo kala duwan ka wada magaaladaas.

Todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Jigjiga ee ku hoos jirta gumeysiga dowladda Xabashida Itoobiya waxaa ka taagnaa, dhibaatooyin uu dadka deegaanka ku hayo gudoomiyaha magaaladaas oo lagu magacaabo Shaafi Axmed Macallin.

Ninkaan ayaa waxa uu wadaa boob ku dhan ah guryaha ay leeyihiin dadka rayidka ah, iyo jirdillo uu u geysanayo qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada.

Dadkii ugu dambeeyay ee ay jirdileen waxaa ku jira wiil dhalinyaro ah oo uu adeer u yahay nin lagu magacaabo Axmed Qarabo oo ah oday uu gurigiisa ka burburiyay gudoomiyaha Jigjiga, waxaana wiilka dhalinyarada ah oo la dhigay xarun caafimaad lasoo warinayaa inuu feeruhu jaban yihiin loona geystay dhaawacyo halis ah, waana kan odayga oo ka warbixinaya sida ay wax u dhaceen.

Halkan kala deg Faafaahinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.