Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Ukraine ayaa maalintii shalay sheegay, iney sii kordheyso marba marka ka dameysa tirada askarta maxaabiis ahaanta ugu jira gacanta Ruushka ee laga hayo Kyiv oo la tooganayo.
Wuxuu dowladaha Caalamka ka dalbaday iney udhaqaaqaan arrintaasi oo murugo badan ku haysa ka xukuumad ahaan, maadaama askartooda uu Ruushku dhanka tiirka ukaxeynayo.
Tallaabooyin deg deg ah oo la qaado iney ubaahan tahay ayuu sheegay wasiirkan, taasoo lagu joojinayo falkan uu askartooda kula kacayo Ruushka.
Hay’ad taabacsan waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay Sare ukaca ku socda arrintan, waxayna sheegtay, iney diwaan gelisay toogashooyinka uu Ruushku ugeystay askartan dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay.
Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa iska haya maxaabiis farabadan, waxayna kol hore sameeyeen maxaabiis isdhaafsi.