Magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, waxaa ka dhacay banaanbax ay isugu soo yimaadeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, kuwaasoo ka cabanayay afduub lagu heysto wiil ay dhashey hooyo Soomaaliyeed.
Maariyo Cabdi, oo ah hooyo Soomaali ah, ayaa waxaa dhowr sanadood laga heystaa wiil ay iyadu dhashey, kaasoo waqti xaadirkan da’ ahaan jira 15 sano.
Dowladda Norway ayaa horey uga afduubtay wiilkan, iyadoo xitaa loo diidanyahay in hooyadu aragto ilmaheeda.
Dadka bananabaxa isugu yimid ayaa sheegay iney garab taaganyihiin hooyada Soomaaliyeed, ayna doonayaan ain wiilkeeda loo soo daayo, oo iyada la siiyo.
Dowladaha reer galbeedka ayaa waalidiinta muslimiinta caruurtooda kala wareega, iyagoo ku andacooda inaan si wanaagsan loo korineynin ama cadaadis lagu hayo, waxaana loo geeyaa qoysas iyo hoy’ado kirishtaan ah, kuwaasoo ku ababiya wax ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.