Weeraro kala duwan oo lala beegsaday ciidamada Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Haddii aan ku billowno ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay shalay tiro qaraxyo ah lala beegsaday, kolonyo katirsan ciidamada shisheeye oo sahay waday kana baxay degaanka Nambar60 kuna sii jeeday deegaanka Buufow ee gobolka Sh/Hoose.
Qaraxyadan oo gaarayay illaa 4, ayaa waxaa ku dhintay 1 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Diyaarad kuwa qumaatiga ukaca ah ayaa goobta kusoo degtay, taasoo qaadday askartii dhaawaca iyo dhimashada isugu jiray.
Dhanka kale, guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday, saldhig ay askarta Dowladda Fedaraalku ku leeyihiin duleedka Buulaburde, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkaas inkastoo aan xog faahfaahsan wali laga helin.
Dhinaca kale Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weerar ku mireen, ciidamada Dowaladda Fedaraalka ee jooga degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool.