Mas’uul Katirsan maamulka degmada Baardheere ee Dowladda Fedaraalka, ayaa maanta lagu dilay gudaha degmadaas kadib dagaal halkaasi ka dhacay.
Aroornimadii hore ee saakay dagaal udhaxeeyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan degmada Baardheere iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland, ayaa ka dhacay gudaha degmadaas, waxaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah iyo qaar kamid ah dhinacyadii ku dagaallamayay degmada.
Mid kamid ah xubnaha maamulka degmada Baardheere ee Dowladda Fedaraalka ayey wararku sheegayaan in lagu dilay saakay gudaha degmadaasi, walal la isku hayo xilka uu ka hayay maamulka oo siyaabo kala duwan loo kala sheegay.