Isagoo ka dhinac hadlayay ra’iisul wasaaraha Yahuudda dhiigyacabka lagu magacaabo Natanyahu, ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay, inuu wado qorshe uu kudoonayo in Qazza looga dhigo dhul ay leedahay dowladda Maraykanka, dadka kunoolna looga barakiciyo.
Wuxuu tilmaamay, in qorshahan uu yahay in Marinka Qazza uu noqdo dhul milkiyad ahaan ay leedahay dowladda Maraykanka, dadka kunool ee reer Qazzana loo barakicinayo dalal ku yaala caalamka.
Madaxweynahan islaweynida badan ee Maryakanka xilligan hogaaminaya ayaa sheegay, in tani ay tahay tallaabo aad u wanaagsan, qeybna ka qaadaneysa nabadgeliyada mandiqadda loogu yeero Bariga dhexe, sida uu warka u dhigay.
“ Waxaanu ka hirgelin doonnnaa qorshe horumarineed oo ballaaran, Maraykanka ayaana la wareegaya Qazza, arintanna waxaa taageersan dhinacyo badan iyo hogaamiyaal kala duwan” ayuu yiri madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Mar uu si watay hadalkiisa ayuu madaxweynaha Maraykanka, wuxuu sheegay in wax la fogeysto aaney ahayn in ciidamo Ameerikaan ah la geeyo Marinkan Qazza, si ay uga qeyb qaataan buu yiri dib-udhiska Qazza, arinkaas oo lagu tilmaamayo mid aan maangal ahayn.
Donald Trump ayaa sidoo kale u ballanqaaday Natanyahu, inuu sii socon doono tareenka caadiyeynta xiriirka Yahuudda, sanadaha soo aadanna ay kusoo biiri doonaan dowlado badan oo kajira caalamka Islaamka.
Booqashada uu Natnayahu ku yimid Maraykanka, iyo hadallada yaq-yaqsiga leh ee uu jeediyay Trump, ayaa imaanaya iyadoo Yahuudda iyo Maraykanka lagu jebiyay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay Qazza, waxaana hadda muuqata inuu socdo qorshe kale oo dhagreysan, laakiin muslimiinta Qazza ee la khudlaamiyay ayaa u muuqda kuwa soo jeeda.