Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaWeerar Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Dalka Sweden.

Weerar Khasaare Dhaliyay oo ka Dhacay Dalka Sweden.

Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday meel u dhow xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Oribooro ee bartamaha dalka Sweden, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in weerarka uu si gaar ah u beegsaday iskuul ku yaala magaaladan ku taalla bartamaha dalka Sweden, waxaana lasoo warinayaa khasaare baaxad leh.

Inta ay xaqiijiyeen ciidanka Booliiska, waxaa weerarka toogashada ah lagu dilay ugu yaraan toban Ruux, halka ay jiraan dhaawacyo intaas ka badan, oo ay saraakiisha Amaanka tilmaameen inaan weli la tiro koobin.

Fuliyaha weerarka ayay ciidamada Booliisku sheegeen inuu ka baxsaday goobta, illaa iyo hadana aan la heynin halka uu kusuganyahay, iyadoo sidoo kale aaney cadeyn dawaaficda gadaal ka riixeysa fuliyaha weerarka.

Sida lagu arkayo muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada, qof hubeysan ayaa markeliya rasaas ku furaya dhismayaal uu kamid yahay xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Oribooro, oo qiyaastii labo boqol oo kiilmoter galbeed kaga beegan magaalada Stokholom ee caasimadda wadanka Sweden.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu beegsado xarun waxbarasho kaasoo ka dhaca dalka Sweden, sida ay ku warameen warbaahinta wadankaas, ra’iisul wasaaraha dalka ayaana weerarkan ku tilmaamay mid xanuun badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.