Monday, April 21, 2025
HomeWarka DibaddaDowladda Maraykanka oo Sheegtay iney Guwantanamo Geystay Dad ay ka Tarxiishey Maraykanka.

Dowladda Maraykanka oo Sheegtay iney Guwantanamo Geystay Dad ay ka Tarxiishey Maraykanka.

Afhayeenad u hadashey Aqalka cad ee Maraykanka looga arimiyo, ayaa shaaca ka qaaday inay dowladda Maraykanku billowday in dadka soo galootiga ah ay u tarxiisho xabsiga Guwantanamo Bay.

Si loo fuliyo qorshaha Donald Trump madaxweynaha cusub ee Maraykanka, ayay haweeneyda u hadashey Aqalka cad ee Maraykanka tilmaamtay, in tarxiiliidda dadka soo galootiga ah ay billaabatay, ayna jiraan dad ay geeyeen xabsiga Guwatnanamo Bay.

Waxay intaa ku dartay in Donald Trump aanu ogolaan doonin in Maraykanku noqdo dal hooy u ah dembiiliyaasha sida ay warka u dhigtay.

Sodonkii Janaury ayuu madaxweynaha Maraykanka wuxuu saxiixay wareegto fareysa, in Guwanantamo Bay laga dhiso goob gaar ah oo lagu haynayo dadka soo galootiga ah ee uu Maraykanku ka tarxilayo dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.