Maamulka la baxay Jubbaland ayaa beeniyay in dagaalkii shalay ka dhacay Baardheere loogala wareegay Xarunta degmada oo ay ciidankoodu ku sugnaayeen, waxayna sheegeen iney iska caabiyeen.
War qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka maamulkaas ayaa lagu sheegay, in ciidanka soo weeraray uu yahay mid ka amar qaata Xasan Sheekh Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka,
Waxay ku eedeeyeen Dowladda Fedaraalka iney wali ku howlan tahay hagar daamo iyo kala qeybin bulsho.