Ciidanka ay Dowladda Xabashida ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa jirdil u geystay haweeney, iyadoo dhibaatooyin laga soo sheegayo deeaanno katirsan dhulkaas.
Waxaa xarunta booliska ee degmada Bookh oo gobalka Doollo oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed oo ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya lagu jirday ruux dumar ah.
Mid kamid ah ciidankii ku sugnaa xarunta oo isku dayay inuu kufsi u geysto gabadha ayaa waxa uu jirdil xooggan u geystay gabartaas.
Maamulka degmada iyo taliska ciidanka ayaa billaabay iney hanjabaad u diraan qoyska gabadha, iyagoo dul ugu hanjabay, waana tan gabadha oo ka warameysay dhibaatada loo geystay.