Ciidanka Sirdoonka ee Dowladda Burundi ayaa lasoo warinayaa iney xabsiga dhigeen, 5 kamid ah dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka guud ee dalkaas.
Dhaqaatiirta xabsiga la dhigay ayaa lagu eedeeyay iney isaga tageen shaqadooda, kadib markii ay ka cawdeen mushaar la’aan, sidaas darteedna xabsiga loogu taxaabay.
Ila wareedyo kale ayaa waxa ay sheegayaan, in dhaqaatiirta loo heysto iney waxyeeleynayaan amniga gudaha ee dawladaasi Burundi.