Dowladda Ruusha ayaa weerar duqeyn ah loo adeegsaday gentaallo Balaastik ah ku qaadday xukuumadda Kyiv, kaasoo ka dhacay magaalada Izyoom ee Koonfur Bari kaga beegan magaalada Khaarkeef ee ah tan labaad oo ugu wayn dalkaasi.
Weerarkan ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, waxaana lala beegsaday xarunta maamulka ee magaalada iyo isbtitaal ku yaalla halkaasi.
Illaa 5 ruux ayaa ku dhimatay duqeymahaan halka ay ku dhaawacmeen 48 kale, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray xaruntii maamulka magaalada.
Bariga Ukraine ayaa xilligan ah halka ugu wayn ee ay ka hurayaan dagaallada udhaxeeya labadan dowladood.