Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa dalka Suudaan ka dhacayay dagaallo xooggan oo udhaxeeya kooxda RSF iyo ciidanka Suudaan, waxaana lagu dilay saraakiil dhowr ah oo katirsanaa kooxda Ad-Dacmu As-Sariic.
Saraakiisha magacyadooda la baahiyay ee lagu dilay dagaallada waxaa kamid ah in kabadan 6 sarkaal oo ay ugu waaweyn yihiin:
1- Mahdi oo loo yaqaan Jalxa, 2-Ganaraal Al-Daahir 3- sarreeye Gaas Cabullaahi Xuseyn 4-Qaa’id meydaani ah oo lagu magacaabo Suleym Ar-Rashiidii 5- iyo Qaa’id kale oo meydaani ah laguna magacaabo C/Raxmaan.
Sido kale saraakiisha kuwan ka horreeyay eel aga dilay kooxda RSF waxaa kamid ah:
1-Gaanshaanle Dhexe C/Raxmaan Al-Beyshiyi wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu cad cad kooxda RSF 2- Cali Yacquub oo ah ninkii ay malleeshiyadan uxilsaartay inuu qabsado magaaalada Al-Faashir 3- iyo Sarreeye Gaas Ciisaa Al-Dheyf.
Malleeshiyadan ayaa maalmihii udambeeyay jab xooggan kala kulantay fagaaraha dagaalka, waxaana hogaamiyaha suudaan CabdulFattaax ah Al-Burhaan la arkayay isagoo kasoo muuqanaya fagaarayaasha.