Guddoomiyaha Golaha Qaranimada Suudan, ahna taliyaha guud ee ciidamada dalkaas Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa socdaal diblomaasiyadeed dhawaan ku soo maray Galbeedka Afrika oo ay ku jiraan dowladaha kala ah: Mali, Guinea-Bissau iyo Sierra Leone, wuxuuna ku soo gabagaboobay socdaalkiisa Mauritania iyo Senegal.
Socdaal oo dhamaaday 14-kii bashii Janawari ee lasoo dhaafay, wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jiraan isbadallo badan oo ka dhacay saaxada Suudaan haday ahaan lahayd heer siyaasadeed iyo heer maydaaniba, iyadoo socdaalkan uu ka horreeyay in Washington ay cunaqabatayn kusoo rogtay Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah, Mohamed Hamdan Dagalo oo ku magac dheer Hemeti, oo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay gobolka Darfur.
Booqashadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, iyadoo ciidamada Suudan ay guulo isdaba joog ah gaareen, iyagoo ugu dambeyntii dib u soo ceshaday gacan ku heynta magaalada Wad Madani oo ah xarunta gobolka istiraatiijiga ah ee Al-Jaziira.
Al-Burhaan ayaa xilli uu kulan la qaadanayay jaaliyaddda Suudaan ee ku nool magaalada Nouakchott ee caasimada dalka Mauritania waxa uu u sheegay, in uu ku wargaliyay madaxda dawladaha Galbeed Afrika, in Suudan ay wajaheyso duullaan cusub, isla markaana dowlado cusub oo gumeystayaal ah ay ka dambeeyaan xoogaga taageerada degdega ah, iyagoo ku taageeraya lacag, hub iyo calooshood u shaqeystayaal, wuxuuna carrabka ku dhuftay, in shacabka Suudaan ay la dagaallami doonaan maleeshiyaadkaas taageero kasta oo ay ka helaan awoodahaas.