Xiisad kacsanaan ayaa laga dareemayaa gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya, iyadoo laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal u dhexeeya hogaamiyaasha kooxda TPLF iyo ismaamulka, oo ku kala tagay arimaha siyaasadda.
Wararka ka imaanaya wuqooyiga dalka Itoobiya ayaa tilmaamaya, in todobaadyadii ugu dambeeyay aad loo dareemayo xiisad kacsanaan ah, taasoo u dhexeysa Dabarsiyoon oo ah hogaamiyaha TPLF iyo madaxweynaha ismaamulka gobolkaas, iyadoo ay suurogal tahay in waqti weliba uu dagaalku qarxo.
Dadka kunool magaalada Maqalle iyo magaalooyinka kale ee gobolka Tigray ayay dhegtu u taagantahay, iyagoo wada diyaar garow ay kaga gaashamanayaan in haddii dagaal ka qarxo gobolka uu ku yeesho saameyn lamid ah tii ku dhacday markii dowladda Itoobiya ay soo weerartay gobolka Tigrey.
Waxaa la arkayay dad badan oo safaf dhaadheer ku jira kuwaasoo hortaagan xarumaha bankiyada, islamarkaana doonaya iney lacagaha ugu jira kala baxaan, hlaka mashquul aad u baaxad weyn laga dareemayo suuqyada lagu iibiyo cuntooyinka noocyadooda kala duwan.
Dadka ayaa doonaya iney keydsadaan cunto badan, si aaney ugu dhicin macluul lamid ah tii ku dhacday waqtigii ay gobolka ku dagaallameen kooxda TPLF iyo ciidamada Dowladda Itoobiya.
Xarumaha ganacsiga ee mashquulka saaidka ah laga dareemayo marka la joogo gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya, waa goobaha lagu iibiyo shidaalka, ganacsatada iibisa ayaana ku gadaya lacago ka qaalisan kuwii hore, maadaama dalabku aad u batay.
Khilaafka u dhexeeya hogaamiyaasha siyaasadda ee Tigreega ayaa salka ku haya maamulka, waxaana dadka ka faallooda arimaha gobolka ay tilmaamayaan, in dhif iyo naadir ahayd in la arko madaxda TPLF oo dhexdooda loolamaya, laakiin hadda ay u muuqato in dowladda dhexe ee Itoobiya ku lug lahayd hurinta khilaafaatkan, si loo wiiqo awoodda Tigreega.