Ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay amar dhawaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, oo farayay in ganacsatadu ay goobahooda ganacsiga u jartaan warqadda dembi la’aanta.
Maxamuud Maariya oo ah ganacsade tan iyo 1981-dii maqaayad ku leh Muqdisho, ayaa sheegay in noloshiisa aanu maqlin warqad dembi la’aan lagu sheegay, oo loo jarayo xarun ganacsi.