Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maanta markale dib uga qarxay qeybo kamid ah gobalka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Dagaallada oo lagu jabiyay ciidamada Dolwadda Fedaraalka ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen deegaanka Beerayabaal ee dhaca duleedka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare culus.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaasi lagu dilay 28 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 31 kale.
Waxaan helnay magacyada qaar kamid ah askartii lagu laayay dagaallada maanta ka dhacay duleedka deegaanka Beerayabaal ee gobalka Hiiraan waxaana kamid ah:
1-Muumin Faradheere
2-Cabdullaahi Xuseen Geedi.
3-Jeceelow Cusmaan Xasanow.
4-Maxamad Cali Xaamud.
5-Baryare Axmad Gobsuge [Sarkaal].
6-Maxamad Cabdullaahi Shiilow.
7-Muxuyadiin Cabdullaahi .
8-Maxamad Abuukar Hagar
9-Maxamad Salaad Taangi
10-Cabdullaahi Bishaar Dhaqtar.
11-Maxamad Nuur Maalin- Horjooge macawiisley ah.
Waxaa sidoo kale askarta lagu dhaawacay dagaallaada maanta dhacay kamid ah:
1-Cumar Cali Farey.
2-Ciise Yuusuf Maxamad Jabiil.
3-Abuukar Maxamad
4-Dhaladheer- Sarkaal Taliye Urur ah.
5-Cabdullaahi Xasan- Sarkaal
6-Cusmaan Geedi- Waa Sarkaal ciidan, horayna usoo noqday duqii magaalada iyo taliyaha Amniga magaalada Buulaburde.
Dagaalladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay dagaallo sidaan uga dhacay isla duleedka degmada Buuloburde ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 100 askari.