Cabdi-Xakiin Cameey oo horey usoo noqday madaxweyne kuxigeenka maamulka labaxay Puntland, iyo sidoo kale safiirkii Dowladda Federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegay in boqollaal gawaarida dagaalka ah ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka furatay Dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in gaadiidka dagaalka ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka furatay Dowladda Federaalka gaarayaan 265 gaari, oo ay sii dheeryihiin kuwa aanu xabadda korin oo iyaguna aad u badan, sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayay hubka noocyadiisa kala duwan, ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka furatay Dowladda Federaalka, ayuu sheegay iney yihiin kuwa aan la tirin karin.