Diyaaraddan oo ahayd nooca yar yarka ayaa ku burburtay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Sao Paulo ee wadanka Brazil, waxaana ku dhintay 2 ruux, sida lagu xusay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka dabdamiska ee dowladda dalkaasi.
Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Barra Funda ee dhacda galbeedka Sao Paulo, waxayna ku burburtay meel udhow bartamaha magaalada.
Qeyb kamid ah diyaaradda burburtay ayaa ku dhacday gaari Bas ah oo wadada marayay, waxaana ku dhaawacmay qof ku jiray gudaha Baska, iyadoo dab xooggan uu ka kacay, halka wararka qaarna ay sheegayaan in dhaawacu intaasi ka badan yahay.
Warbaahinta ka howlgasha gudaha dalkaasi ayaa soo bandhigtay burburka diyaaradda iyo Baska oo gubanaya.