Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay gaari ku rogmaday dooxada marta magaalada Hargeysa ee woqooyiga Soomaaliya.
Gaari siday tiro dad ah iyo ari badan ayaa waxa uu ku rogmaday dooxada marta magaalada Haregysa ee xarunta maamulka la baxay Soomaaliland.
Dhacdadaan ayaa sababtay iney dhaawacmaan 5 ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga rogmaday.
Sidoo kale waxaa goobta ku nafbaxay 4 kamid ah xoolihii saarnaa gaariga, sida uu ku warramay taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka ee maamulka la baxay Soomaaliland.