Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar qarax ah ka fuliyeen, gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Xabashida Itoobiya.
Qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan Xabashida oo ilaalo ka hayay garoonka, waxaana lasoo warinayaa inuu khasaare gaaray ciidankaas.
Geesta kale habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen, xerada ay askarta Shisheeye ee Uganda ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobalka Sh-hoose.
Iska gobalka Sh-hoose, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, kolonyo katirsan ciidanka Uganda oo ku socdaaleyay nawaaxiga deegaanka Cadow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye ee gobalkaas.
Mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidanka Uganda ayuu haleelay qaraxa, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii saarneed gaariga uu qaraxu haleelay.