Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsMilliteriga Suudaan oo Duqeeyay Fariisimaha Malleeshiyaadka RSF ee Magaalada Al-Khartuum.

Milliteriga Suudaan oo Duqeeyay Fariisimaha Malleeshiyaadka RSF ee Magaalada Al-Khartuum.

Dagaallo udhaxeeya ciidamada Millateriga Suudaan iyo kooxda RSF, ayaa ka soconayaa gudaha caasimadda dalkaasi, iyo meelo kala oo kamid ah wadanka.

RSF ayaa dagaalladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay ku jabtay sida muuqata iyadoo marba marka ka dambeysa laga saarayo goobo hor leh.

Saakay oo ugu dambeysay ciidamada Suudaan waxay duqeymo loo adeegsaday Dornes la beegasadeen fariisimo ay malleeshiyada Ad-Dacmu As-Sariic ku lahaayeen Bariga Al-Kharduum, waxayna sababeen iney malleeshiyadan isaga baxaan saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen, taasoo ciidanka Suudaan usuuragelisay iney si fudud kula wareegaan qeyb wayn oo kamid ah magaalada caasimadda ah.

Dhanka kale hogaamiyaha malleeshiyada RSF ayuu Wargeyska laga leeyahay Mareykanka ee The Wall Street Journal sheegay, inuusan muddo bil ah kasoo muuqan shaashadaha warbaahinta, taasi ayaana la aaminsan yahayn iney saameyn ku yeelatay malleeshiyadiisa.

Lama oga sababta uusan uga soo muuqan warbaahinta hase ahaatee askari hore oo nin hora yuga tirsanaa malleeshiyadan oo wargeyska la hadlay ayaa sheegay, in RSF badankeeda ay dareemayaan in hogaamiyahoodu uu isaga dhexbaxay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.