Dhulgariirkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka subaxnimadii Shalay ka dhacay, Meel 125 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Joorji-tawn ee jaziiradaha Keymaan.
Wuxuu ka dhacay dhulgariirku meel bartamaha badda ah oo gunta hoosanaya ujirta 6 Mayl, waxaana islamarkiiba soo baxay digniino ku aaddan in ay dhul gariirkan ka dhalankaran tuufaanno waa wayn.
Baddan waxaa dhinaca Koonfureeda ka xiga Ameerikada Koonfureed, Galbeedkana waxaa kaga aaddan Ameerikada Dhexe, Waqooyiga waxaa kaga beegan jaziiradaha loo yaqaan Antiir, iyo Kuuba halka Bariga ay ka xigaan jaziiradaha Antiil ee yaryar.
Waxa baddani dhacda Koonfur Bari gacanka Mexico sido kale loo yaqaanaa Baxru-Al-Qaraa’ib.