Dhaqaala xumiada ka jirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay suuqyari soo wajahday ganacsatada iibisa hilibka.
Iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo kaga imaanaya Dowladda Fedaraalka, ayaa waxa ay taasi saameyn ku leeyahay bulshada ku nool caasimadda.
Kawaanleyda suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen iney dareemayaan suuq yari baahsan, aysanna jirin cid wax ka iibsaneysa, iyagoo u sababeeyay dhaqaale xumada baahsan ee ka jirta magaalada.