Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsMaleeshiyaadka Liyu Bolis oo Kordhiyay Beegsiga Dhalinyarada Dhagaxbuur ee Soomaali-galbeed.

Maleeshiyaadka Liyu Bolis oo Kordhiyay Beegsiga Dhalinyarada Dhagaxbuur ee Soomaali-galbeed.

Degmada Dhagax-buur oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay, beegsiga ay maleeshiyaadka Liyu Bolis ku hayaan dhalinyarada degmadaas.

Dhalinyarada ayaa waxa ay dhigayeen kacdoonno ka dhan ah maleeshiyaadka Liyu Bolis ee ay Xabashidu ka dhisatay dhulka ay gumeysato, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ku haya bulshada.

Shir ay dhalinyaradu uga tashanayeen aayahooda ayaa waxaa weerar ku qaaday, maleeshiyaad ka amar qaata taliyaha ciidanka ee degmada Dhagax-buur, iyagoona halkaasi kasoo qafaashay tiro dhalinyaro ah.

Habeen kahor ayay sidoo kale waxa ay maleeshiyaadkaan xabsiga dhigeen 4 kamid ah dhalinyarada degmada Dhagax-buur ee ku hoos jirta gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Dhagaxbuur

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.