Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa weerar ku qaaday hotel uu ku sugnaa Xililbaan Daahir Amiin Jeesow, oo xilligaas warbaahinta la hadlayay.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka aya gudaha usoo galay hotelka, waxayna maamulka hotelka iyo wariyaasha ku wargeliyeen in la joojiyo shaqada.
Daahir Amiin Jeesow oo xilligaas mikroofanka heystay ayaa laga qasay hadalkii uu waday, waxaana indhihiisa laga dareemayay qalqal.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ilaalada Daahir Amiin Jeesow ayaa hubka isku fiiqay, inkastoo aaney wax rasaas ah isku ridin.