Xasan Mire Dhiif oo ah Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha, ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka horseeday in labo maalin oo xiriir ah uu xiranyahay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Xasan Mire Dhiif, wuxuu sheegay in ganacsatada suuqa lagu hayo hanjabaad joogta ah, loona awood sheeganayo, arintaasi ay masuul ka yihiin wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka.