Maamulka Dowladda Itoobiya u qaabilsan dhulka Soomaaligalbeed ee kujira gumeysiga, ayaa tacadiyaad ku haya gaadiidleyda ka shaqeysata magaalada Jigjiga, iyagoo doonaya iney suuqa ka saaraan, si loogu bedelo shirkad ay leeyihiin wasiiro katirsan maamulka.
Jeneraal Weyrax oo ah taliyaha ciidamada Taraafikada, ayaa weerar ku qaaday xarunta Iskaashatada gaadiidleyda ka shaqeysa garoonka diyaaradaha ee Wiil-wiil ee magaalada Jigjiga, waxaana uu jirdil u geystay gaadiidleyda, isagoo ku dirqinaya iney ka guuraan goobta ay deganyihiin.
Ninkan awoodda ciidan wata ayaa waxaa soo adeegsaday shirkad dooneysa iney la wareegto shaqada garoonka gaar ahaan isku socodka magaalada iyo garoonka, iyagoo doonaya in meesha laga saaro iskaashatada gaadiidka takaasida yaryar.
Maxamed Axmed Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Iskaashatada gaadiidleyda ka shaqeysa garoonka diyaaradaha Wiil-waal ee magaalada Jigjiga ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka loo geystay iyo xaaladdu sida ay tahay.
Halkaan ka Degso Warka Gaadiidleyda Jigjiga