Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsBanaanbaxyo Markale ka Billowday Dalka Bangaladesh.

Banaanbaxyo Markale ka Billowday Dalka Bangaladesh.

Magaalooyinka kala duwan iyo gobollada wadanka Bangaaladeesh waxaa todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay, banaabaxyo looga soo horjeedo xukuumadda ku meel-gaarka ah ee xilligan talada wadankaasi gacanta ku haysa.

Kooxahan oo lagu eedeeyay iney yihiin taageerayaasha haweeneydii horay uga talineysay wadankaasi ee u carartay dalka Hindiya, ayey xukuumadda Bangaaladeesh ku dhawaaqday olole lagu soo qabqabanayo, waxayna Boolisku sheegeen iney xabsiga dhigeen dad gaaraya 1308 [ kun sedax iyo sideed ] ruux, kuwaasoo laga soo xirxiray daafaha kala duwan ee wadanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay iney ololahan sii wadayaan illaa ay ka kasoo geba gebeeyaan kooxahan.

Haweeneyda lagu magacaabo Sheykhad Xuseyniyah oo horay muddo dheer uga soo Talisay Bangaaladeesh haatanna qaxooti ku ah Hindiya, ayaa baraha bulshada ka hageysa dadkan kacdoonka sameeyay, waxayna xukuumadda dalkaasi dhowr mar ujartay waaranno lagu soo qabanayo oo Caalami ah, hase ahaatee wali gacanta laguma soo dhigin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.