Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsQaramada Midoobay oo Sheegtay in RSF Diidantahay Gurmad Lagaarsiiyo Daarfuur.

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in RSF Diidantahay Gurmad Lagaarsiiyo Daarfuur.

Maalintii shalay wax loogu yeero Qaramada Midoobay ayaa malleeshiyada RSF ku eedeysay, iney hortaagan tahay gargaar gurmad loo qado dadka ku nool gobolka Daar-Fuur oo ay dagaalladu saameeyeen.

Muddo bil ah RSF waxay sii adkeeyeen go’doonkii ay ku hayeen magaalada Al-Faashir ee gobolka Daar-Fuur oo dhaca Galbeedka Suudaan, inkastoo ay magaalada gacanta ku hayaan ciidamada Suudaan.

Haweeneyda Qaramada Midoobay u qaalisan wax loogu yeero arrimaha bani’aadannimada ee dalka Suudaan ayaa sheegtay, in wakaaladda qaalisan gargaarka Bani’aadanninada ee malleeshiyaadka RSF ay diiday, in gurmadka la gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

Bishii Agoosto ee 2023-kii, hay’adan ayuu aas aasay hogaamiyaha kooxda RSF, iyadoo la sheegay iney qaabilsan tahay islamarkaana kashaqeyneyso arrimaha gurmadka ee degaanada ay ka taliso malleeshiyadan, hase ahaatee waxaa banaanka usoo baxay waxa rasmiga ah ee ay ka shaqeeyaan kooxdan iney yihiin gumaadka dadka, koley gaajo u le’daan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.