Dhul-gariirkan oo ahaa mid xooggan islamarkaana laga maqlay meelo ay fog fog oo ay ku jirto caasimadda wadankaasi ee Ar-Ribaadh, ayaa ka dhacay meel udhow magaalada Al-Qasr Al-Kabiir ee katirsan gobolka Wazaan oo dhaca Waqooyiga dalka Marooko.
Wuxuu dhacay habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay, saameyntiisa ayaana waxaa laga dareemay mandiqado illaa 200KM ka fog halka uu ka ka dhacay.
Dhul-Gariirkan ayaa halka uu ka billowday ee xudunta u ah waxay oogada dhulka ka hooseysaa illaa 20KM, mana lasoo tebin waxyeello ka dhalatay.
Sanadkii 2023-kii dhul-gariir cabbirkiisu ahaa 6.8 oo ka dhacay dalka Marooko waxaa ku dhintay 2,900 [labo kun iyo sagaal boqol] oo qof, isagoo dhanka kale dhaliyay burbur baaxadleh oo wax yeello adag ay kasoo gaartay wadanka.