Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsFaraniiska oo Doonaya Inuu Usoo Wareego Bariga Afrika Kadib Guuldaradii Galbeedka.

Faraniiska oo Doonaya Inuu Usoo Wareego Bariga Afrika Kadib Guuldaradii Galbeedka.

Sannadihii u dambeeyay waxa la arkay isbedel muuqda oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Faransiiska ee ku wajahan Bariga Afrika, kadib markii ay hoos u dhacday saamayntii uu ku lahaa Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Saaxilka, taas oo ay ugu wacan tahay in dalalkaas ay gacanta ku dhigeen taliyaal milatari oo cusub, kuwaas oo ku dhawaaqay inay kala go’een gumaystihii hore, iyagoo isla markaasna soo dhawaystay xoogaggii tartanka kula jirtay Paris, oo ay ugu horreeyaan Ruushka iyo Turkiga.

Hoos u dhaca ku yimid doorkii Faransiisku uu ku lahaa gobolkaas waxaa barbar socday dadaallada uu ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahay dalalka Bariga Afrika, isagoo ka qeyb qaadanaya istiraatiijiyado badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ciidamada, iyadoo ujeeddadu tahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa maqaamkiisa iyo xoojinta joogitaankiisa qaaradda.

Warqad uu soo saaray Machadka Faransiiska ee Xiriirka Caalamiga ah ayaa tilmaamaysa, in illaa sagaashameeyadii gobolka Galbeedka Afrika iyo kheyraadkiisu uu gacanta ugu jiray Faransiiska, taas oo muujinaysa inaysan goballadaasi wax xuriyad ah ka hanaqaadin.

Dib u soo noqoshada miisaankii ay Paris dhistay tobanaan sano si ay u ilaaliso saamaynta ay ku leedahay qaaradda Afrika ayaa keentay in siyaasad-dejiyayaal Faransiis ah ay dib u eegaan oo dejiyaan xeelado cusub oo lagu maamulo xiriirkooda Afrika, iyo in ay ka shaqeeyaan sidii ay u magdhabi lahaayeen khasaaraha isdaba jooga ah ee Faransiiska kasoo gaaray Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika.

Isbeddelka Faransiiska ee ku wajahan Bariga Afrika ayaa ah mid muuqda, iyada oo Paris ay mudnaanta iyo muhiimadda istaraatiijiyadeed siinayso xeebaha ku hareeraysan Badweynta Hindiya, sida laga soo xigtay Xarunta Yurub ee La-dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo Cilmi-baarista, gobaladaas oo ah masrax uu loolan ku dhexmaraya Shiinaha iyo Mareykanka, taas oo ku kaliftay Faransiiska inuu xoojiyo joogitaankiisa gobalka, iyada oo la marayo iskaashiga sii kordhaya ee uu la leeyahay dawladaha Kenya iyo Tanzania.

Sidaa darteed, Bariga Afrika waxa uu isku beddelay goob cusub oo uu ka socda tartan dhuleed, kaas oo Faransiisku uu isku dayayo inuu horumariyo joogitaankiisa, si uu ula tartamo saamaynta sii kordheysa ee Shiinaha, iyadoo sidoo kale aysan meesha ka marnayn in la joojiyo saameynta Turkiga ee kusii luga fidsanayso gobalka.

Halkan kala deg Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.