Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatuur ayaa sheegay, in maamulkood go’aansaday inuu faraha kala baxo oo uusan qeyb ka noqon, arrin ay wadato Dowladd Fedaraalka.
Wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ka leexday wixii loo doortay, islamarkaana uu ka dhamaan la’yahay xaraashka hantida danta guud iyo safarro dibadda ah.