Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka ayaa maalintii shalay ku dagaallamay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ka dhacay isgoyska Mirinaayo ee Muqdisho, waxaana uu u dhexeeyay ciidamo uu wato taliyaha saldhiga degmada Cabdilcaziiz iyo sarkaal katirsan Dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Axmed Cali Ugaas.
Dagaalka waxaa ku dhaawacmey taliyaha booliiska saldhiga degmada Cabdilcaziiz.